Shiinaha oo daah furay Internetka dunida ugu xawaaraha dheereeya

Shiinaha ayaa daahfuray inteerneetki ugu horreeyey oo ugu xawaaraha dheereeya dunida oo dhan, kaasoo xawaarahiisu uu yahay 1,200G halki ilbiriqsi (1.2T).

Shir jaraa’id oo lagu qabtay jaamacada Tsinghua oo ku taalla magaalada Beijing oo loogu magac daray adeegga interneetka ee jiilka soo socda waxaa iska kaashaday Jaamacada Tsinghua, iyo shirkadaha HUAWEI iyo CERNET.COM.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee XINUA waxay sheegtay adeegga internetka la daahfuray in la gaarsiiyey masaafa dhan 3,000 oo km oo isku xirta magaalooyinka Beijing, Wuhan iyo Guangzhou.

Adeegga Interneetka ee ‘FITI backbone’ ayaa lagu tilmaamay inuu yahay horumar wax ku ool ah oo laga gaaray teknooloojiyadda mustaqbalka uu dalka Shiinaha u baahnaa.

Waxaana la sheegay interneetkan xawaarahiisu dheereeya uu shiinaha daahfuray inuu awood u leeyhay halki ilbiriqsi inaad kula soo degi kartid muuqaal ka kooban 154k.

Interneetkan oo marki ugu horreysay la tijaabiyey 31-ki July ee sanadkan ayaa soo maray marxalado kala duwan oo lagu xaqiijinayo tayadiisa iyo awooddiisa inta ay gaarsiisan tahay isla-markaana lagu guulestay.

Hirgelinta hindisaha mashuruuca lagu meel mariyey adeegga interneetka waxaa ka qab qaatay in ka badan 40 jaamacadood iyo shirkadaha ugu waaweyn ee dhankateknooloojiyadaa uu dalkaasi Shiinaha leeyahay.

Wararka kale

Maamul Gobaleedka

2 thoughts on “Shiinaha oo daah furay Internetka dunida ugu xawaaraha dheereeya

  1. Thank you a bunch for sharing this with all folks you really know what you’re
    talking approximately! Bookmarked. Please additionally seek
    advice from my site =). We will have a link exchange
    agreement among us

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top

Solverwp- WordPress Theme and Plugin