Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ka hadlay geeridii naxdinta lahayd ee shalay ku timid ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo shalay ugu geeroyooday dalka UK xanuunka COVID-19.
Mustaf Dhuxulow oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyay xukuumaddii Nuur Cadde ayaa ka sheekeeyay wanaaga uu lahaa Nuur Cadde, isaga oo ku tilmaamay astaan u taagneyd qaranka Soomaaliya.
“Allah ha u naxariisto marxuumka, waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan, ay ka go’an tahay in umadda Soomaaliyed ay heshiiso, a iskuna keeno, wadajir iyo walaaltinimo ku wada noolaato, dalkana uu dhismo,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo sheegay in Nuur Cadde uu ahaa siyaasi muhiim u ahaa umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in talada dalka oo kaligiis uu isku koobay uu dhulka dhigo, “Madaxweyne dhulka dhig talada dalka, in lagu toosiyo ayaad u baahan tahay,” ayuu yiri.
Xildhibaan Dhuxulow ayaa dowladda ka codsaday in ganacsatada loo fududeeyo in mashaariicda dalka ay kala socodsiiyaan.
“Ganacsatada haloo cadaalad falo, yeysan jirin cid gaar ah oo u dhaxeysa madaxda iyo ganacsatada oo muhiim u ah dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Saxaafadda ayaa Xildhibaan Mustaf weydiisay sababta uu u weerarayo Madaxweynaha kaligiis oo xukuumadda iyo madaxda kale uusan ula hadleyn.
Xildhibaanka ayaa ku jawaabay, “Anaga hada ayaan bilownay inaan kor wax u sheegno, madaxa ugu sareeya ayaan saxeynaa, yaryarka weli ma aanaan gaarin, kuwaas taladoodu waa dambeysaa ee hadda qorshaheenu waa inaan toosino hoggaanka ugu sareeya.”
DAAWO MUUQAALKA